W/Q: Xildhibaan Malik Abdalla

W/Q: Xildhibaan Malik Abdalla

Waxaan fursad u helay in aan furinta isku wareysano aniga iyo 2 Aabe iyo 2da Wiil oo ay dhaleen oo go’aan geesinimo leh ku qaatay in aay xornimo ugu nolaadaan dalkooda.

Bidix: waxaa iga xigo Ibrahim Dhicisow Maalin iyo willkisa Abdirisaq ( Anshax)

Midig: Shiilow Cali Deelele iyo wiilkiisa Haashim.

Shiilow, wuxuu u qaabil sanyahay Macawisleyda howl qaas ah, oo ah dhaqan deeganka lagu yaqaano. 

Runtii, markaan si qoto dheer u wareeystay waalidiinta iyo ubadkooda waxey ii sheegeen duruufaha ku kalifay in ay qori qaataan.

Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dhulalka ay argagaxisadda joogaan waxaa ku dhacay, ama ku heysto dhibaatooyin aan lasoo koobi karin. Waxeyna u baahan yihiin in la dhageysto, la daaweeyo, qalbigana loo dhiso, lagana xoreeyo cadawga.

Wax yaabaha aan arkay waa wax u baahan in ay Dowladda Federaalka Soomaaliya wax uga qabato si deg deg ah. 

Ugu danbeyn: waxaan ku baaqayaa in Soomaaliya oo dhan laga kaco oo cadawgaan hal meel looga soo wada jeesto. Waa howl u baahan dhabar-adeyg. 

Soomaalia Ha Noolaato.



Post a Comment (0)
Previous Post Next Post