Madaxda, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, Culimaa'udiinka, xildhibaannada dowladda Federaalka ku matala

Madaxda, siyaasiyiinta, odayaasha dhaqanka, Culimaa'udiinka, xildhibaannada dowladda Federaalka ku matala iyo saraakiisha reer Galmudug ayaa ugu dambeyn isku raacay in dagaalka AS mar qura laga qaado dhinac walba.

Masuuliyiinta gaaray Galmudug oo uu hoggaaminayay ra'iisul wasaarihii hore Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wadaa in uu mid walba gaaro deegaan hooseedkiisa, si uu halkaas uga wado dagaalka.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in Galmudug noqon doonto Maamulka ugu horreeya ee iska xorreeya AS, saacadaha soo aaddanna la arki doono dhaqan gelinta waxyaabihii lagu heshiiyay.

Sidoo kale madaxweyne Qoorqoor ayaa ka dalbaday reeraha Galmudug wax ku leh ee aan jirin dhanka ay kooxdu heysato ay kaalintooda ka qaataan dagaalka, waxna ka xoreeyaan Galmudug.




Post a Comment (0)
Previous Post Next Post