Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay hey’adda NADRA

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay hey’adda NADRA ee ka shaqeysa diiwaangelinta dadweynaha iyo arrimaha aqoonsi sameynta. 

Shirkan oo sidoo kale uu goobjoog ka ahaa wasiir dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta mudane Ilyas Ali Hassan iyo agaasime ku xigeenka, ahna sii hayaha madaxa hey’adda diiwaangelinta iyo aqoonsiga dadweynaha Soomaaliyeed (DADSOM) Marwo Fahmo Xaaji Maxamuud ayaa waxaa lagu falanqeeyey arrimo badan oo la xiriira diiwaangelinta madaniga ah, sameynta aqoonsiga iyo arrimo kale. 

Hey’adda NADRA oo ay ka socdeen Mr. Usman Cheema, agaasimaha guud ee Technology & horumarinta iyo madaxa mashruuca Mr. Zohaib Amin iyo mas’uuliyiin kale ayaa ugu horreyn soo bandhigtay warbixin la xiriirta shaqada ay guud ahaan ka qabtaan dalkooda Pakistaan, dunida kale iyo Soomaaliyaba. 

Mas’uuliyiinka ka socotay NADRA waxaa ay xuseen sida ay diyaar ugu yihiin in ay Soomaaliya ka hirgeliyaan diiwaangelinta madaniga, sameynta aqoonsiyada, maamulka doorashooyinka, tababarro iyo arrimo kale iyaga oo wasiirka hordhigay naqshado kala duwan oo la xiriira ID-ga, warqadaha kala duwan ee dhalashada, guurka iyo furriinka. 

Hey’addan waxaa ku jirtay warbixinteena howlaha ay ka qabtaan Pakistaan iyaga oo diiwaangeliyey 136 milyan oo 96% ka mid ah ay dad waaweyn yihiin iyada oo bixiyey adeegyo iyo heerar kala duwan oo diiwaangelin ah sida dadka dalka gudahiisa deggan, jaaliyadaha, kuwa guursada ajaanibta, kuwa iska dhiiba jinsiyadda iyo qaar kale iyaga oo shaqo diiwaangelin ah ka qabtay dalal ka baxsan Pakistaan sida Nigeria, Kenya, Soomaaliya, Suudaan, Bangladesh, Fiji iyo midowga Yurub. 

Dhanka kale, wasiirka arrimaha gudaha, federaalka h iyo dib u heshiisiinta mudane Axmed Macallim Fiqi oo goobta ka hadlay waxaa uu hey’adda NADRA ku ammaannay howlaha ay dunida ka fuliyaan, isaga oo inta uu shirka socday wax badan shaqada ay Soomaaliya ay ka qabteen iyo sida ay u qabteen. 

Wasiirka arrimaha gudaha, federaalaka iyo dib u heshiisiinta waxaa uu kulanka ka sheegay ahmiyadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay diiwaangelinta iyo aqoonsi siinta dadweynaha isaga oo intaa raaciyey in qorshuhu yahay in 2024-ka la xaqiijin doono in qof walba oo Soomaali ah leeyahay aqoonsi, laga diiwaangeliyo shacabka. 

Wasiir Fiqi waxaa uu soo qaatay in aqoosniga uu qeyb ka yahay amniga qaranka iyo la dagaalanka argigixisada, sidaas darteed ay muhiim tahay in mashruuca la turxaan bixiyo, lana ballaariyo wax ku daristiisa si inta aan la bilaabin ay uga qeybgalaan dhammaan qeybaha kala duwan iyada oo dhigay madal kale oo ballaaran oo dhici doonta todobaadyada soo socda.






Post a Comment (0)
Previous Post Next Post